U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Doortay Gudoomiye Iyo Ku xigeenkiisa

Sheeko:Dalka

Guddiga Doorashooyinka qaranka ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku doortay gudoomiyahooda iyo ku xigeenkiisa, ka dib doorasho dhacday.

Gudoomiyaha gudigaasi ayaa loo doortay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Yarey), halka ku xigeenna loo doortay Sayid Cali Sheekh Maxamed.

Doorashadaan ayaa ahayd gacan taag, waxaana madasha ay ka dhacaysa ku sugnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News