U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Guddiga Madaxa Banaan Ee Xuduudaha Iyo Federaal Oo Doortay Gudoomiye Iyo Ku Xigeenkiisa

Sheeko:Dalka

Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho waxa ay ku doorteen gudoomiyahooda iyo ku xigeenkiisa.

Doorashadaan oo gacan taag ahayd ayaa xubnaha guddiga waxa ay gudoomiye u doorteen Khaliif Cabdikariin Maxamed, ku xigeenna waxaa loo doortay Muuse Waxgarad Cabdullaahi halka xoghaye ay u doorteen Liibaan Cali Sahal.

Halka ay doorashadaan ka dhacaysay waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News