U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH : Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenadiisa oo ka tagay Madaxtooyada

Sheeko:Dalka

Wararka hadda naga soo gaaraya Madaxtooyada waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari iyo ku xigeenadiisa ay ka tageen madaxtooyada halkaasi oo ay qado kula lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ay ku laabteen guryahooda, sida illo wareedyo ay noo sheegayaan in guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa ay ilaaladooda ku amreen in aan loo soodeyn karin qof xildhibaan ah muddo 48 saacadood ah.

Mar sii horeysey guddoomiyaha iyo kuxigeenadiisa ayaa ka tagay baarlamaanka kadib markii ay u suurtogali weysey in ay furaan fadhiga baarlamaanka oo uu ka jirey buuq badan.

Goobjoog News