U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Gudoomiye Jawaari Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray degmada Cadaado

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw waxa ay ka dageen garoonka degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Wariyaheena Cali Cayn oo ku sugan Garoonka Cadaado ayaa soo sheegaya in halkaasi ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyaga oo soo dhaweynaya Gudoomiyaha.

Gudoomiye Jawaari ayaa ka qeybgali doona munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, kuwaasi oo dhawaan lasoo xulay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News