WAR DEG DEG AH: Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada degmada Howlwadaag oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Yuusuf Maxamed Hilaal oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhanka arimaha Bulshada ee degmada Howlwadaag.

Rag hubsan oo watay gaari ayaa la sheegay in ay isku hor gudbeyn gaarigii yaraa gaarigii uu saarnaa rasaas xooganna lagu furay, waxaana sidoo kale halkaasi ku dhintay darwalkii gaariga gudoomiye ku xigeenka uu saarnaa.

Cali Seeko oo ah afhayeenka maamulka gobalka Banaadir ayaa Goobjoog Fm u xaqiijiyay geerida mas’uulkaan.

Dilalka sidaan oo kale u dhaca ayaa kusoo batay magaalada Muqdisho, waxaana shalay sidaan oo kale loo dilay madaxii waaxda socdaalka ee Garoonka Aadan Cadde Muqdisho, iyadoona uu bad baaday xildhibaan Dalxa oo isla weerar sidaan oo kale ah lagu qaaday.

Warkaan wixii kusoo kordha la soco.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW