U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- In Ka Badan 10 Qof Oo Ku Dhimatay Gobalka Baay Ka Dib Duqeyn Cirka Ah Iyo Rasaas Ay Fureen Ciidamada Itoobiya

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobalka Baay ayaa sheegaya in dad ka badan 10 qof oo shacab ah misane barakacayaal ahaa ay ku dhinteen duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal iyo sidoo kale rasaas ay toos u fureen ciidamo Itoobiyaan ah.

Dadkaan ayaa saarnaa gaadiid Candhe Meydle ah, waxaana ay kasoo barakaceen deegaanka Daladoolle oo ku dhaw degmada Buurhakaba, hase ahaatee gaadiidkii ay la socdeen waxaa la sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen.

Haweeney ku sugan degmada Buurhakaba oo duqeyntaasi kaga dhinteen Afar Caruur ah oo ay Eedo u tahay iyo Hooyadood ayaa u sheegtay Goobjoog News in duqeynta ka dib ay ciidamada Itoobiya si bareer ah u dileen dad kale oo ka badbaaday duqeyntaasi iyo sidoo kale shacab guryahooda ku jiray.

Khasaaraha dhimashada ayaa intaasi ka badan karo, waxaana adag in qadka taleefanka lagu helo dadka ku dhaqan deegaanada duqeyntaan ay ka dhacday, iyadoo sidoo kale ay jiraan dad dhaawacyo halis ah qaba, balse aan helin gurmad caafimaad.

Maamulka gobalka Baay oo aynu xiriir la sameenay si aan arrintaan wax uga ogaanno ayaan inoo suurta gelin, iyadoo xaaladda ay tahay mid kacsan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News