U bood dhigaalka

Jawaari oo Xildhibaano 100 Gaaraya u sheegay in Mooshinka hakin doono, kana codsaday in waqti dheeraad ah la siiyo

Sheeko:Dalka

Warar hadda naga soo gaaray Villa Hargeysa ayaa sheegaya in gudoonka baarlamaan iyo 100 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Federaalka ee kasoo horjeeda mooshinka ka dhan ah Ra’isul Wasaare Cabdiwali ku shirayaan caawa Villa Hargeisa.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa u balan qaaday xildhibaanadaas in Mooshinka aan la keeni doonin baarlamaanka isagoo intaa ku daray in arinta la isku heysto aysan aheyn wax sharci ah laakain ay tahay arin siyaasadeed. Gudoomiyaha ayaa ugu dambeyntii ka codsaday xubnihii baarlamaanka ee uu la shiray in ay siiyaan waqti ku filan oo ay ku sameeyaan  baaritaan dheeraad ah, sida uu Goobjoog News u sheegay xubno goobjoogayaal ahaa.

Dadaalka Gudoomiya  Baarlamaanka ayaa qeyb ka ah dadaalada lagu dhex dhexaadinayo Madaxweynaha Federaalka iyo Ra’isul Wasaariha oo labadii todobaad ee ugu dambeysay khilaaf xoogan soo kala dhex galay. Khilaafka labada dhinac ayaa yimid kadib markii Ra’isul Wasaaraha uu isku shaandhayn ku sameeyay qaar ka tirsan golohiisa wasiirada  25 kii bishii tagtay ee Oktoobar.

 

Sidoo kale waxaa horey u bilaabay dhex dhexaadin labada dhinac qaar ka tirsan hay’adaha beesha caalamka iyo kuwa gobolka sida Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, urur goboleedka IGAD iyada oo ay weliba qaarkood waqti hore soo saareen warsaxaafadeedyo ay ku muujinayaan mawqifkooda isla mar ahaantaasna ay ku eedeynayaan in xubnaha baarlamaanka qaarkood ay codadkooda iibsadeen.

 

Wararka kale ee ka soo baxaya arintan kala soco Goobjoog News