U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Jeneraal Goobaale oo isku day dil ka badbaaday

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Maryan-gubaay ee gobalka Shabeelaha Hoose kuna dhaw degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose waxay sheegayaan in halkaasi Qarax Miino lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha guutada Sedaxaad ee ciidamada xooga Soomaaliya Maxamed Jimcaale Goobaale.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee gobalka Shabeelaha Hoose, Cali Nuure Maxamed ayaa u xaqiijiyay Goobjoog Fm, in qaraxaan lala eegtay Taliyaha, sidoo kalena waxyeelo ay soo gaartay Gaarigiisa.

Xaaladda waa mid degan, mana jirto dhibaatooyin kale oo halkaasi laga soo sheegaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.