U bood dhigaalka

War Deg Deg Ah : Jubbaland oo Sheegtey In Ay Xiriirka U Jartay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegey in Jubbaland ay xiriirka u jartay dowladda federaalka.

Waxa kale oo uu cambaareeyey codeyntii maanta uu qaaday baarlamaanka federaalka ee uu ku meelmariyey in baarlamaanka Jubbaland uu yahay mid sharci darro ah.

“Wixii maanta ka biloowda dowladda federaalka waan u jarnay xiriirka, wax wafti ah oo dhankaas nooga iman karana ma jiro” ayuu yiri Fartaag.

Goobjoog News