U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : Kulankii Baarlamaanka oo Furmey, 207 Xildhibaan oo Soo Xaadirtey

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa si rasmi ah u furey kulanka baarlamaanka, waxaana soo xaadirtey 207 xildhibaan, sidaasina kooramkii ku buuxsamay.

Ajandaha Shirka waxaa ku yaala in la dhaarinayo xildhibaan Cabdiqaadir Shariif Xassan Sheekh Aadan oo badalaya aabihiis Shariif Xassan Sheekh Aadan oo dhawaan loo doortey madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo maanta laga doodayaa miisaaniyadda xukuumadda ay soo gudbisey ee sanadka 2015-ka, iyo sidoo kale hindise sharciyeedka Xuduudaha iyo Federaalka.

Goobjoog News