U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : Kulankii Baarlamaanka oo Soo Xirmey

Sheeko:Dalka

Waxaa hadda lasoo xirey kulankii baarlamaanka kadib markii la qeybiyey mooshinkii codka kalsoonida loogu dalbayay Ra’isulwasaare Cabdiwali iyo Xukuumadiisa.

Kulanka ayaa bari halkiisa kasii soconaya, iyada oo uu hor imanayo wasiirka maaliyadda si wax looga weeydiiyo miisaaniyadda 2015-ka oo maanta baarlamaanka laga qeybiyey, lana doonayo in la ansixiyo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu sheegey in uu mooshinka ku wargaliyey Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed, islamarkaasina uu baarlamaanka hor iman doono si uu isu difaaco. Wuxuu intaasi ku daray in khamiista la bilaabi doono ka doodista mooshinka, “Sabtida nalama dhaafi doono” ayuu yiri guddoomiyaha oo xildhibaanada xusuusiyey in ay soo akhriyaan mooshinka.

Mar sii horeysey , sidii aan tabiney kulanka baarlamaanka ayaa si nabadgalyo ah oo buuq la’aan ah ku furmey muddo bil gudaheed, iyada oo sedex kulan oo mooshinka lagu qeybin lahaa ay buuq iyo qeylo la socon waayeen.

Waxaa sidoo kale maanta xilka xildhibaanimada baarlamaanka loo dhaariyey Cabdiqaadir  Sheekh Aadan oo uu dhalay  Shariif Xassan oo Dhawaan loo doortey madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa la qeybiyey hindise sharciyeedka gudiga doorashooyinka qaranka iyo waliba federaalka, iyo miisaaniyadda sanadka 2015-ka.

Goobjoog News