U bood dhigaalka

WAR DED DEG AH:- Maamulka Puntland oo Isaga Baxay Shirka Wada Tashiga Ee Ka Socda Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa isaga baxay shirka Wada tashiga Muqdisho Xilli Shirku galay Maalintii Labaad.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in shirkaasi aanay ka qeyb galeen maamulka Puntland oo uu hogaaminaya Madaxweynahooda Cabdiweli Maxamed Gaas.

Sababta ugu weyn ee shirkaan uu uga baxay maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in ay la xiriiro maamulka Galmudug oo ay diidan yihiin.

Shirkaan oo furmay maalintii shalay ahayd ayaa waxaa looga hadlay arrimaha wada tashiga dowladda iyo maamul gobaleedyada iyo sidii looga bixi 2016-ka, waxaana lagu wadaa in lagu dhisi shirkaa gole wadatashi qaran.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News