U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Madaxa Bangiga aduunka oo Muqdisho soo gaaray

Sheeko:Dalka

Wararka haatan naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in halkaasi uu soo gaaray madaxa Bangiga aduunka Jim Yong Kim iyo xubno la socda.

Wariyaasha Goobjoog Fm ee ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in mas’uulkaan uu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh oo halkaasi ku sugan.

Daqiiqado ka dib waxaa la filayaa in garoonka Aadan Cadde ay soo caga dhigato diyaaradda wada Ban Ki-moon oo ah xoghayaha Qaramada Midoobay.

Dhanka kale garoonka waxaa ku qul qulaaya mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya, waxaana sidoo kale halkaasi tagi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo dhaweyn doona Ban Ki-Moon.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.