U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Madaxda sare ee dowladda oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in la hakiyay shirka Koonfur Galbeed ee Baydhaba

Sheeko:Dalka

Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah usoo saaray go’aan si KMG ah loogu hakinayo shirka dhisidda maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soconayey magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Go’aankan waxaa wadajir ugu saxiixan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Waxaa gabi ahaanba meesha ku cad in la hakiyay wax walba oo ku aadan shirkii ka socday magaalada Baydhaba, waxaana shirkaan hadda uu maraayay heer gaba gaba ah.

Dhawaan ayaa qoraal ay si wadajir ah usoo saareen Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawari iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh waxaa lagu faray xubnaha ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed in ay ku yimaadaan magaalada Muqdisho si wadatashi loo sameeyo, waxaana dhanka kale loo sheegay in shirka kasii wadi karin halka uu markaasi joogay.

Balse Odayaashii shirsanaa ayaa ansixiyay Dastuurka maamulkaasi, kuna dhawaaqay halka caasimad ay ka dhiganayaan, waxaana dhanka kale ay isku diyaarinayeen in ay guda galaan wejigii shirka ugu dambeeyay ee ahaa doorashada.

HALKAAN KA AKHRISO GO’AANKA SHIRKAAN LAGU HAKIYAY