U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Galmudug Iyo Wasirro Ka Mid Ah Xukuumadda Federaalka Oo Gaaray Ceelbuur

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in degmadaasi ay gaareen wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana ka mid ah wafdiga wasiirro ka mid ah xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka ka tirsan.

Garoonka diyaaradaha ee degmada Ceelbuur ayaa lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Difaaca C/qaadir Sheekh Cali Diini, wasiiru dowladaha Wasaaradda Dastuurka Xasan Jimcaale, xildhibaanno iyo xubno kale oo maamulka Glamudug ka mid ah.

Ammaanka guud ee degmada Ceelbuur ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wararka sheegayaan in mas’uuliyiintaan ay la kulmi doonaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, kuwaasi oo arimo amniga ku saabsan ay kala shirayaan, sidoo kalena waxa ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan degmada Ceelbuur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News