War Deg Deg ah : Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo Gaaray Nairobi

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi halkaasi oo loogu sameeyey soo dhaweyn balaaran.

Waxa sidey diyaarada ciidamada cirka Maraykanka ee loo yaqaano Airforce 1, waxaana qaabiley madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madax kale oo dalkaasi ka tirsan.

Obama ayaa saxiixay buugga booqashada ee garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, waxaana lagu wadaa in loo galbiyo hoyga uu ka dagayo Nairobi oo aanan la ogeyn meesha uu yahay, balse waxaa la fili karaa in ay jirto casho sharaf loo sameynayo.

Imaanshihiisa ayaa aad loogu diyaargaroobey, waxaana dhamaan xiran waddooyinka Nairobi, iyada oo amniga aad loo adkeeyey.

Boqolaal ciidamo Maraykan ah oo ay ku jiraan kuwa sirdoonka ayaa Nairobi lagu daadiyey, iyaga oo xitaa la wareegey ammaanka meelaha qaar.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW