U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweynaha Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Koonfurta Gaalkacyo Ee Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed. Odayaal dhaqameed, Saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa goor dhaw waxay gaareen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Socdaalkaan ayaa qeyb ka ah nabadeynta magaalada Gaalkacyo iyo is dhex galka bulshada magaaladaasi.

Xubnahaan uu horkacayo Madaxweyne Gaas iyo madaxda Galmudug ayaa ka wada quraacan doona Koonfurta Gaalkacyo.

Si midaan la mid ah isla maanta waxaa la filayaa in madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ka qadeeyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxaa ku sugan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo xubno ka mid ah golahiisa wasiirada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News