U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa goor dhaw waxa ay gaareen degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose.

Wafdiga waxaa ka mid ah xubno ka tirsan Labada gole ee dowladda, iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan ayaa degmada Afgooye ku tagay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaan Helicopter.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa aad u adkeeyay ammaanka degmadaasi, waxaana madaxweynaha uu la kulmi doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Afgooye.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa xiray wadooyinka gala degmada Afgooye, iyadoo loo diiday isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News