WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Furay Shir Weynaha Hiigsiga 2016

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu magaalada Muqdisho ka furay shir weynahaHiigsiga 2016 , kaasi oo ay ka qeybgalayaan xubno ka mid ah dowladda iyo sidoo kale wadamada daneeya arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeediyay khudabadii furitaanka, waxaana sidoo kale madasha shirka ku sugan xubno ka socda ururada IGAD, Midowga Afrika, iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira.

Dhammaan xubnaha ka qeybgalaya shirkaan ayaa waxa ay Daqiiqad u istaageen dadkii ku dhintey weerarkii dhawaan lagu qaaday hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho iyo dilalkii loo geystay xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkaan waxaa hadal ka jeedin doona mas’uuliyiin dhowr ah, waxaana shirka si wadajir ah u gudoominaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Ambassador Kay.

003 002 001

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW