U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw waxa uu gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhaba, waxaa madaxweyne Xasan Sheekh kusoo dhaweeyay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safarka madaxweynaha uu ku tagay magaalada Baydhaba ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacin, iyadoo uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News