U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Itoobiya

Sheeko:Dalka

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka amba baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wadfi uu hogaaminaayo, kuwaa oo kusii jeeda magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa garoonka waxaa kusii dhaweeyay Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha uu halkaasi kaga qeybgali doona shir madaxda afrika ay isugu imaan doonto.

Magaalada Muqdisho shalay waxaa soo gaaray Maxamed Cabdi Afeey oo IGAD ugu qaabilsan Arimaha Soomaaliya, waxaana uu la kulmay madaxda dowladda.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.