U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Magaalada Baraawe oo noqonaysa xarunta maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, kuna howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa isku raacay in xarunta maamulkaasi ay noqoto magaalada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Wariyaha Goobjoog Fm ee magaalada Baydhaba, ayaa soo sheegaya in maanta Odayashaan ay si rasmi ah isugu raaceen xarunta maamulka la dhisi doono, ka dib dood saacado socotay oo ku aadan halka ay ka dhiganayaan xarun.

Dhanka kale waxaa maanta lasoo bandhigay calanka uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ay soo bandhigeen calan la mid ah midkii ay horay u sameysteen maamulka Lixda gobal ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow Maxamed.

Odayaasha ku howlan dhismaha maamulka Koonfur Galbeed waxay shalay meel mariyeen Dastuurka maamulkaasi uu yeelanayo, ka dib codeyn dhacday.

Shirka ayaa hadda maraya meelihii ugu dambeeyay, waxaana lafilayaa in xilliyada soo aadan sidoo kale magaalada Baydhaba ay ka dhacdo doorashada hogaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoog News.