U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Mas’uul Ka Tirsan Jaamacadda SIMAD Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

DEG DEG GOOBJOOGWararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in koox hubaysan ay dileen mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Maxamuud Xaamud kaa oo ahaa ku simaha Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD ahna kaaliyaha Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadaasi ee Arimaha Waxbarashada.

Waxaa lagu dilay Marxuumka inta u dhaxeysa Isgoysyada Bakaaraha iyo KPP ee degmada Hodon Magaalada Muqdisho.

Weli faah faahin intaan ka dheer kama aanay helin dilka Marxuum Ibraahim Maxamuud Xaamud iyadoo dadkii dilkaasi ka dambeeyay ay baxsadeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News