U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Maxkamadda Ciidamada Jubbaland Oo Dil Ku Fulisay 7-ka mid ah Askarta Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in goor dhaw maxkamadda ciidamada Jubbaland ay dil toogasho ah ku fulisay 7 ka mid ah askarta maamulkaasi, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay dileen Laba qof oo shacab ah maalintii shalay ahayd.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ay xabsi Seddax Sano ah ku xukuntay Seddax Kale oo ka mid ah Askarta maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed (Qamdariiran) ayaa ku dhawaaqay xukunkaasi, iyadoo durba xeebta caga dhiig la geeyay 7-dii askari halkaas oo lagu toogtay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News