WAR DEG DEG AH: Mooshin laga gudbiyay Ra’iisul wasaare Cabdi weli Sheekh

Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw oo maanta ah waxa ay mooshin ka gudbiyeen Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudanayaasha mooshinkaan gudbiyay ayaa sheegay in xildhibaanada ku saxiixan mooshinka ay gaarayaan 140 xildhibaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdi weli ay ku dhaliilayaan arimo badan oo ku aadan ka gaabinta shaqooyin badan oo looga baahnaa.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in Mooshinkaan uu gudoomay gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, muddo Shan maalin ahna jawaab looga sugaayo gudoonka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW