U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Nabadoon Goor Dhaw Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Koox hubeysan ay dileen mid ka mid ah Nabadoonada ku dhaqan magaaladaasi.

Nabadoonkaan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cumar Garweyne ayaa la sheegay in gudaha magaalada Baladweyne ay ku dileen rag hubeysan oo illaa iyo haatan la garan waxa ay yihiin.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News