U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Nabadoon Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw lagu dilay mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansan magaaladaasi.

Nabadoonkaan la dilay ayaa lagu magacaabayay Muumin Barre, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen rag hubeysan.

Dad ku dhaw halka dilka uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog News in Nabadoonka markii la dilayay uu hoygiisa sii galayay, iyadoo rasaas badan lagu dhuftay, waxaana goobta ka baxsaday dadkii dilkaasi ka dambeeyay.

Nabadoonka ayaa lagu dilay xaafadda Kooshin oo ka tirsan laanta Cilmi loos ee magaalada Baladweyne, waxaana goobta dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka iyo Odayaal dhaqameed aad u badan.

Maamulka Magaalada Baladweyne ayeeynu isku daynay in aynu xiriir la sameenno si aynu faah faahin intaan ka badan u helno, hase ahaatee inooma suurta gelin xaalada oo weli kacsan awgeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News