U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Qarax Ay Ku Dhaawacantay Wariye Ka Tirsan Warbaahinta Dowladda Oo Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wariye Hinda Xaaji Maxamed oo ka tirsan warbaahinta dowladda ayaa goor dhaw ku dhaawacantay qarax Miino oo la sheegay in uu ku xirnaa gaari ay wadatay.

Qof goobjooge ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in mar qura ay ka warheleen gaariga Hinda ay wadatay oo ahaa nooca Kaaribta loo yaqaan oo qarax uu ka dhex dhacay.

Waxaa soo gaaray dhaawac xooggan sida ay inoo sheegeen wariyeyaal haatan la jooga mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho oo lagu daaweynayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News