U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Ismiidaamin Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Warar goor dhaw ay baahiyeen warbaahinta caalamka ayaa sheegaya in goor dhaw uu qarax Ismiidaamin ah ka dhacay Masjid ku yaalla dalka Sacuudiga oo ay Salaada Jimacaha ku tukanayeen dad Shiica ah.

Masjidkaan ayaa ku yaalla bariga magaalada la yiraahdo Dammam ee dalka Sacuudi Arabiya, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku geeriyootay Laba qof oo mid ka mid ah yahay ruuxii is qarxiyay, qofka kalena la sheegay in uu ahaa ruux isku dayay inuu celiyo qofka ismiidaamiyaha ah.

Weli fah faahin intaan ka badan lagama helin qaraxaan, hase ahaatee khasaaraha ayaa intaasi ka badan karo, waxaana qaraxan uu imaanayaa xilli Jimcihii hore sidaan oo kale Qarax Ismiidaamin ah lal beegsaday Masjic ay dad shiica ah ku tukanayeen, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Goobjoog News