U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan, kaa oo wararka qaar ay sheegayaan in uu ku xirnaa gaari yar oo halkaasi Maraayay.

Gaariga ayaa markii uu maraayay kasoo horjeedka Hoteelka Dayax ee wadada Makka Al-mukarrama waxaa la sheegay inuu qarxay, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Haweeneey iyo nin la sheegay in gaarigaasi ay saarnaayeen.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo wada howlgalo baaritaan ah, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan faah faahin ay ka bixiyaan sida ay wax u dhaceen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.