U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Ka Dhacay Nawaaxiga SYL Ee Magaalada Muqdisho Iyo Rasaas La Maqlayo

Sheeko:Dalka

Qarax xooggan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka dhacay nawaaxiga taalada SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari ayaa wararku waxay sheegayaan inuu ka dhacay meel u dhaxeysa Hotelka SYL iyo sidoo kale beerta Nabadda.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in gaariga uu saarnaa qof Ismiidaamiye ah, wallow weli aan faah faahin buuxda la hayn.

Ugu yaraan Labo qof ayaa ku geeriyootay weerarkaasi, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 10 oo dhaawacyadooda la geeyay Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Waxaa la maqlayaa rasaas ka dhacaysa nawaaxiga Hoteelka, iyadoo aan la ogeyn in qaraxa ay la socdaan dabley hubeysan iyo in kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News