WAR DEG DEG AH:- Qarax Khasaare Geystay Oo Goor Dhaw Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhaw ka dhacay qarax Miino, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qof ku sugan magaalada Kismaayo ayaa Goobjoog News, u xaqiijiyay in qaraxaan uu ahaa Miino lagu aasay Xerada Ciidamada Shiirkole oo ku dheggan Madaxtooyada Jubbaland.

Goob Geed hoostiisa ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil Ciidan ayaa la sheegay in ay ku duugney Miinada, waxaana la xaqiijiyay in halkaasi ay ku geeriyoodeen Seddax sarkaal waxaana dhaawac uu soo gaaray 7-kale xilli halkaasi ay ku shirayeen.

Wadooyinka gala madaxtooyada Jubbaland iyo nawaaxigeeda ayaa ah kuwo xiran, iyadoo Xerada qaraxa uu ka dhacay ay gaareen saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin ka mid ah Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco Wararkeena

Goobjoog News

 

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW