U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Shibis Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare sababay.

Gaari nooca raaxada ah oo la sheegay inuu saarnaa qof ka tirsan shaqaalaha dowladda ayaa ku qarxay meel aan ka fogeyn masjidka Rowda ee degmada Shibis, halkaasi oo dhaawac uu kasoo gaaray ugu yaraan Laba qof.

Qofka gaariga qarxay saaran ayaa la sheegay in xaaladiisa ay halis tahay kadib markii dhaawac culus uu soo gaaray.

Qaraxan ayaa sababay sidoo kale in uu dab qabsado qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee halkaasi ku dhaw, waxaana socda gurmadka daminta dabkaasi.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka degmada Shibis kuwaasi oo halkaasi ka wada howlgallo baaritaan ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News