U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH: Qarax Lagu Weeraray Xarunta Ciidanka Taraafikada Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax loo adeegsaday gaari la sheegay in laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ka dhacay banaanka hore ee xarunta ciidanka Taraafikada ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan xooggiisa ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana xigtay rasaas halkaasi ka dhacday.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo qaraxan ka dhashay hase ahaatee tirada reasmiga ah weli lama hayo.

Xarunta ciidanka Taraafikada ayaa ku taalla degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News