U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Lagu Xiray Gaari Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax la sheegay in lagu xiray gaari uu watay Nin Injineer ah ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Buundada Ansalooti ee kala qeybisa degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari.

Injineerkii gaariga waday ayaa la sheegay in halkaasi uu ku dhaawacmay, waxaana dhintay nin isaga la socday iyadoo sidoo kale goobta ay ku dhaawacmeen dad kale oo shacab ah.

Qof ka dhawaa halka qaraxaan uu ka dhacay ayaa Goobjoog News u sheegay in mar qura ay maqleen jug xoogan oo ka dhex dhacday gaariga.

Weli inooma suurta gelin inaynu helo magaca Injineerka qaraxa loogu xiray gaarigiisa, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay ay gaareen ciidamada dowladda Federaalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News