U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Lala Eegtay Guddoomiye Ku Xigeenka Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka Goobjoog News ay ka heleyso degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in goor dhaw qarax Miino lala eegtay gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi.

Wariyaheena ku sugan gobolka Gedo ayaa soo sheegaya in guddoomiye ku xigeenka uu soo gaaray dhaawac, inkastoo dhaawacaasi inta uu la egyahay la ogeyn.

Halka qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda Federaalka, kuwaasi oo howlgallo wada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News