U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Miino Oo Goor Dhaw Ka Dhacay Magaalada Baardheere

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobalka Gedo, ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw uu ka dhacay Qarax Miino, kaasi oo khasaare sababay.

Miinadaan ayaa la sheegay in ay ku aasneyd goob maqaayad ah, waxaana la tilmaamay in dad shacab ah ay soo sheegeen.

Hase ahaatee mid ka mid ah askarta ciidamada dowladda oo miinada ka saarayay goobta ayeey ku qaraxday, isaga oo halkaasi ku dhintay.

Mid ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan degmada Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxa ka dib ay ciidamada soo qabqabteen ku dhawaad 100 qof, kuwaasi oo laga dhex baarayo cidda Miinada aastay.

Xaaladda magaalada Baardheere ayaa ah mid kacsan, iyadoo weli ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News