U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Hotelka Jaziira Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax Weyn ayaa ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaalada.

Qaraxaan ayaa la sheegayaa in uu yahay mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyadoo sidoo kale la maqlayo rasaas halkaasi ka dhacaysa.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, waxaana halka qaraxaan uu ka dhacay kusii qulqulaya gaadiidka gurmadka degdega ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News