U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Qaraxyo Isxigxiga Oo Ka Dhacay Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in goor dhaw halkaasi ay ka dhaceen illaa iyo 5 qarax oo ah Miinooyin nooca dhulka lagu aaso kuwaa oo lala eegtay ciidamo Itoobiyaan ah.

Qaraxyadan oo isxigxigay ayaa dhammaantood waxa ay ka dhaceen wadada dheer ee degmada Baardheere.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhintay Labo qof oo mid shacab yahay halka qofka kale la sheegay in uu ka tirsan yahay ciidanka Itoobiya ee qaraxyadan lala eegtay.

Sidoo kale qof ku sugan degmada Baardheere ayaa inoo sheegay in halkaasi dhaawac uu kasoo gaaray dad shacab ah balse weli si rasmi ah looma xaqiijin tirada dadkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya baaritaanno kale oo ay sameeyeen qaraxyadaasi ka dib ay dhulka kasoo saareen miinooyin kale tiradooda la sheegin.

Guud ahaan waxaa hawada ka maqan Isgaarsiintii Baardheere  waxaana socda howlgallo ay wadaan ciidanka Itoobiya ee qaraxyadan lala eegtay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News