U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo Kalsoonida Lagala Laabtay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw soo gaba gabowday tirinta codadka mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, waxaana codka loo qaadayay qaab gacan taag ah.

Xarunta golaha shacabka waxaa soo xaadiray 235 mudane, waxaana codeynta ka qeyb galay Gudoomiye ku xigeenada oo Laba ah iyo sidoo kale Habdhowraha Baarlamaanka, taa oo wadarta guud ka dhigtay 235 xildhibaan.

Ilaa 7-saf ayaa loo qeybiyay xildhibaanada, iyadoo saf saf codka looga qaaday, waxaana saf walba markii uu dhamaado la sheegayay natiijada.

Markii lasoo gaba gabeeyay codeynta, waxaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanada Aqbalay mooshinkaan waxay noqdeen 153 Xildhibaan waxaa diiday 80 xildhibaan halka ay ka aamuseen 2, waxaana sidaasi ku dhacday xukuumadii uu hogaaminaayay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Codbixinta ayaa waxa ay u dhacday saf saf, illaa 7 saf ayuu ahaa baarlamaanka, waxaanan halkani ka muuqda sida safafka u kala codeeyeen.

Safka Koowaad : Waxaa fadhiyey 32 xildhibaan, 20 ayaa mooshinka u codeysey, 12 ayaa ka horyimid, 1 na waa ka aamusey

Safka Labaad : Waxaa safkani fadhidey 32 xildhibaan, 17 ayaa mooshinka u codeysey, 15-na waa ka hor timid.

Safka Sedexaad : Safkani waxaa fadhidey 33 xildhibaan, 24 ayaa u codeysey mooshinka, 9 ayaa diidey

Safka Afaraad : Waxaa fadhidey 33 xildhibaan, 29 xildhibaan ayaa u codeysey mooshinka, 4 ayaa diidey

Safka Shanaad : 33 xildhibaan ayaa fadhidey, 29 ayaa u codeysay mooshinka, 17 ayaa diidey

Safka Lixaad : 33 xildhibaan ayaa fadhidey safkani, 21 ayaa u codeysey mooshinka, 11 ayaa diidey, 1 na waa ka aamusey

Safka Todobaad : Waxaa safkani fadhidey 35 xildhibaan, 24 xildhibaan ayaa u codeysey mooshinka, 11 ayaana diidey

Sida uu horey u sheegey Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa iyaguna codkooda dhiibanayay labada guddoomiye ku xigeen iyo waliba nidaamiyaha baarlamaanka, kuwaasi oo 2 ka mid ah u codeeyeen mooshinka, midna uu kasoo horjeedsaday.

Halkaan Hoose ka dhageyso