U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu goor dhaw gaaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Ra’iisul wasaaraha oo ay la socdaan xubno ka mid ah golaha wasiiradiisa ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka magaalada Kismaayo.

Waxa uu hadda ku suganyahay Garoonka Kismaayo, isaga oo la kulmi doona madaxda Jubbaland.

Shalay ayaa la filaayay in Ra’iisul wasaaraha gaaro Kismaayo, hase ahaatee dib ayuu uga dhacay.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa magaalada Kismaayo safar ku tagay bishii tagtay ee May 26-keedii, ka dib markii isla bishaasi 14-keedii la magacaabay guddi qiimeeya cabashooyin ka jiray baarlamaanka Jubbaland.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan uu yeeshay 6-da bishan June waxa uu ku diiday jiritaanka baarlamaanka Jubbaland, taasi oo keentay in maamulkaasi uu isna ku dhawaaqo in xiriirka uu u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News