U bood dhigaalka

War Deg Deg ah : Ra’isulwasaare Cumar oo Kismaayo Gaaray, Markale

Sheeko:Dalka

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid ayaa ka dagay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland uu ka taliyo, halkaasi oo uu ay ku qaabileen madax ka tirsan maamulkaasi.

Booqashada oo maalmahanba la hadal hayay ayaa waxa la sheegey in ay la xiriirto dhamaysta waxyaabo yaryar oo u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ka dhashay codkii baarlamaanka ay ku diideen baarlamaanka Jubbaland.

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha uu kulan madaxtoyada Kismaayo kula leeyahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, lamase oga waxyaabaha rasmiga ah ee ay ka wada hadlayaan.

Goobjoog News