U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Dibadbaxyo Rabshado Wata Oo Ka Billowday Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka billowdeen dibadbaxyo rabashado wata, kuwaa oo ay dhigayaan dad shacab ah islamarkaana ay uga soo horjeedaan joogitaanka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Baladweyne.

Inta la xaqiijiyay Seddax qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dibadbaxydadan kadib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay rasaas ku fureen dadkaasi.

Dadka waxay ku hadaaqayaan erayo ay ku muujinayaan diidmada joogitaanka magaalada Baladweyne ee wafdiga madaxweynaha iyo sidoo kale arrimaha la xiriira shirka maamul u sameynta gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wariyaheena Cabdirisaaq Al-cadaalla oo ku sugan magaalada Baladweyne ayaa soo sheegaya in xaaladda ay tahay mid kacsan islamarkaana la maqlayo rasaas lagu kala eryayo dadka dibadbaxayaasha ah.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee magaalada Baladweyne ayaa heegan buuxa la geliyey.

Dibadbaxa dadkani ayaa yimid kadib markii la sheegay in waxgaradka gobolka Hiiraan ay diideen in madaxweyne Xasan Sheekh ay ula kulmaan beel beel, islamarkaana ay dhammaantood si mid ah ula kulmayaan ama kulanka aysan ka qeybgaleen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News