U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Seddax Qof Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in suuqa xoolaha ee degmadaasi uu ka dhacay Qarax Bam kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qof ku sugan halka qaraxan uu ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyey in Bam gacmeed lagu weeraray askar ka tirsan dowladda oo halkaasi ka qaadayey Canshuur.

Inta la hubo waxaa qaraxan ku geeriyootay Seddax qof oo la sheegayo inay ku jiraan ciidankii Bamka lagu weeraray.

Waxaa sidoo kale jirta waxyeello dhaawac u badan oo soo gaartay dad shacabka ah, iyadoo xoolo badanna ay halkaasi ku waxyeeloobeen.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana socda howlgallo.

Maamulka degmada Afgooye oo aynu isku daynay in qaraxan aan wax ka su’aalno ayaan inoo suurta gelin kadib xiriir kala duwan oo aynu la sameynnay mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News