U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Shacab Careysan Oo Dibadbax Ka Billaabay Gobolka Togdheer

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Togdheer ayaa waxay sheegayaan in dibadbax ballaaran ay halkaasi ka billaabeen shacab ka careysan xukun dil ah oo shalay maxkamadda ciidamada Somaliland ku ridday 8 qof oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen dilka Taliyahii ciidanka Saaxil ee Somaliland.

Dadkaan ayaa isugu soo baxay wadada Sheekh ee isku xirta magaalooyinka Burco iyo Berbera, waxaana dadka ay sheegayaan in xukunkaasi aanu sharci ahayn.

Wadadan oo marinkeedu muhiim yahay ayaa la sheegay in dadkani ay ku gooyeen gaadiid iyo dhagxaan.

Ciidamo ka tirsan Somaliland ayaa isku dayaya inay kala eryaan shacabkan inkastoo dibadbaxa yahay mid xooggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News