U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa goor dhaw ka dhacday doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo xilka madaxweyne loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Howlka ay ka dhaceysay doorashadaan waxaa ku sugnaa 396 ergo , waxaana xilkaasi u musharaxnaa 5 xubnood.

Inta aysan doorashadaan bilaaban waxaa cod baahiya qaatay sharaxiintii la tartamaysay Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaa oo sheegay in ay tanaasuleen, waxaana musharaxiintaasi kala ahaayeen:-

  1. Siyaad Sheekh Daahir
  2. Maxamed Xassan Cadoow
  3. Maxamed Xassan Faqi
  4. Aabo Awoow Suufi Xaaji Cafaan

Intaasi ka dib gudiga doorashada ayaa sheegay in sida sharciga qabo cod gacantaag ah loogu codeeyo Shariif Xasan, waxaana halkaasi ka bilaabatay codeyntii.

Haa waxaa u codeeyay 373

Maya waxaa ku codeeyay 15

Halka 8 xubnood ay ka aamusee.

Gudoomiyaha gudiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

La soco faah faahin intaan ka badan.