U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Ex-control Afgooye (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw shil gaari oo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ka dhacay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kadib gaari xamuul ah uu ku fariin goostay goob maqaayad ah.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa halkaasi xilliga shilkaan uu dhacaayay ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in Sedax ruux ay halkaasi ku dhimatay, Todoba kalena dhaawac uu soo gaaray.

Gaariga oo rar badan waday ayaa galay goob cuntada lagu cuno oo maqaayad yar ah, waxaana dadka dhintay la sheegay in ay ku jiraan dad gaariga saarnaa.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, si loo daweeyo, waxaana goobta shilka ka dhacay gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso goobjooge sharaxaya sida ay wax u dhaceyn.

Goobjoog News