U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Shirka Madasha Wadatashiga Doorashooyinka Oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw ka furmay shirka madasha wadatashiga doorashooyinka, kaasi oo ay ka qeybgalayaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dowladda ka tirsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi furay, waxaa hadallo jeedin doona Ra’iisul wasaare Cumar, Gudoomiye Jawaari iyo madaxda maamul gobaleedyada.

Shirka ayaa maanta ah daah fur, waxaana la filayaa inta uu socdo in looga hadlo nooca ay noqon doonto doorashada lagu madal sanyahay in dalka ay ka dhacdo sanadka 2016.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News