U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Shirka Magaalada Kismaayo Oo Is Faham Waa Ku Dhammaaday

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in shirkii halkaasi uga socday Madasha Wadatashiga Qaran uu kusoo dhamaaday is faham waa.

Madaxdii ka qeybgalaysay shirkaasi ayaa isaga soo kala tagay magaalada Kismaayo, iyadoo weli waqti rasmi ah aan loo qaban waqtiga kale ee la’isku imaan doono.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo si kooban saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in muddo kale la ballamay, islamarkaana waqtiga rasmiga ah uu sheegi doono marka uu yimaado magaalada Muqdisho.

Seddaxdii maalin ee ugu dambeysay madaxda Soomaaliya ayaa isku fahmi la’aa shirkani waxaana doodda ugu xoogani ay ka taagneyd ku kala qeybsanaanta qaadasha nidaamka qabiilka ee 4.5 iyo midka degmooyinka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News