U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Iyo Maamul Gobaleedya Oo Ka Furmay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu goor dhaw ka furmay sirka wada tashiga dowladda Federaalka iyo maamul gobaleedyada, kaasi oo looga hadlayo arimaha ku aadan hiigsiga 2016-ka.

Shirkaan ayaa ah wejigii Sedaxaad, waxaana horay loogu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Maamulada shirkaan ka qeybgalaya waxaa ka mid ah Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xubno ka mid ah Labada Gole ee dowladda ayaa ku sugan magaalada Kismaayo.

Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo ayaa ah mid ay adkeeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News